ku soo dhawaada wab sidka cusub ee suuqaxoolaha

Welcome To My Homepage Welcome To My Homepage

warbixin kusaabsan mujaajidkii is qarxiyay

wararka naka soo gaaraya magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan ayaa sheegaya in eey sii ko kortay wax yaabihii uu keeysatay qaraxii lala eektay mas uu liyiin katirsanaa dowlada oo eey katanbeeyeen xarakada mujaahidiinta al shabaab ninka qaraxa sameeyay ayaa waxa uu ahaa da diisa 18 jir magaciisana waxaa lariihdaa wiilkaa maxamed deerow sheekh wiilkaa yar ayaa aabihii dhalay waxaa laku magacaabaa sheekh aadan ayaa yiri wiilkeeyka waa uu shehiisay waxa uuna ku dhintay meel fiican waxa uu isku qarxiyay meel shacabka soomaaliyeed looku tashanaayay marka wiilkeey haku taysadaan mujaahidiinnta kale soo hadalka udhikay qaraxaan  ayaana aheen kii uku horeeyay oo is qarxiyo wiil somaali ah ayadoo qaraxyoo saan oo kalaa eey ka dhaceen

ciidamo ethobian ayaa wada dhaq dhaqaan yadii uku jooga badnaa ee kawaran gobolada somalia

wararka naka soo gaaraya balanbal ayaa sheegaya in ciidamada ethobia eey soo buux dhaafiyeeyn gobilkaas aya goona wada dhaq dhaqaaq kii uku xooga badnaa mana la ogo in eey usoo ruuqaansandoonaan dhinaca wagaalada muqdisho iyo in eey sii joogi doonaan.

ayadoo ku soo beegmeeyso hadalkii ka soo baxay malin tii shalay aheeyd ayaa gidoomiyaha baarlamanka somalia aadan madoobe kaa oo ahaa in wadama dariska ah ee ukoo gurmadaan 24 ku dahood wana la oga ciidankaa meesha eey ku wajahanyihii

sheekh xasan dahir oo sheekay in dowlada eeysan wax diin ah wadin oo lakaxaku washiton

maamulka islaamika ee makaalada kismaayo ayaa wacad ku maray in eey weeradi doonaan kenya hadii ee soo kasho arimaha somalia

Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo oo ku hanjabay in ay weerar ku qaadayaan daaraha Nairobi hadii Kenya ay soo fara galiso Soomaaliya. Madaxa warfaafinta Maamulka Islaamiga ee Magalaada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Calai oo ka hadlayay sida uu u arko faragalin ay sheegtay dowladda Kenya in ay ku samayn doonto arimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in hadii Kenya ay ka dhabayso dhaq dhaqaaqyada ay ka wado xuduudaha ay la wadaagto gobolada Soomaaliya iyo Fara galinta ay sheegtay aysan faraha ka laaban doonin oo weerar ay ku qaadi doonaan dowladda Kenya. Sheekh Xasan Yacquub Cali Afhayeenka Maamulka Islaamiga ee Magalaad Kismaayo waxa uu intaasi ku daray in hadii kenya ay mujaahidiinta soo weerarto ay iyaguna ku  badali doonaan in ay weeraro ku qaadaan sida uu carabka ku dhiftay daaraha dhaadheer ee ka dhisan Magaalada Nairobi. “Hadii aad soo gasho Kenyaay ogoow Anagana Saro dhaadheer oo miraayado leh dalkeena kuma yaalaan,waxaan leenahay nin gurigiisu uu dhalo yahay dhagaxtuur ma bilaabo,Muqdisho hadaad weerar ku soo qaado ama Dhooblay weerar ku soo qaado anaguna waxaan weerar ku qaadayna Nairobi”ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo u hanjabayay dowladda Kenya. “Walaahi ayaan ku dhaartee hadii aad nasoo weerarto ismiidaamin badan oo ay ka mid yihiin kuwii Cumar Xaashi ku dhacay ayaan Nairobi gudaheeda ka samaynaynaa”Ayuu intaasi raaciyay isagoo caraysan Afhayeenka Maamulka Islaamiga Kismaayo. Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in ciidamadooda ay haatan ku suganyihiin qaar badan oo ka mid ah degmooyinka xuduudaha ku yaala ee gobolada Jubooyinka kuwaasi oo uu ka tilmaamay magaalooyinka Balad Xaawo,Luuq iyo meelo kale oo xadka ku yaala. Hay’adaha Samafalka ayuu ku eedeeyay in ay colaada Soomaaliya qeyb ka yihiin oo ay hoos ka hurinayaan isagoo sheegay in ay ku soo gambadaan hay’adahaasi si gar gaar ahaan ah taasoo uu sheegay in dadka Soomaalida looga been sheego,isagoo intaasi ku daray in loo baahanyahay in lala dagaalamo maadaama sida uu sheegay ay yihiin kuwa jaajuus ah.

wararka naka soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa sheekaya in dakaal uu ka socdo muqdisho

Maalintii sedeexad ayaa galay dagaalka ka socda waqooyiga Magaalada Muqdisho iyadoo haatan uu dagaal mar kale dib uga bilowday degmada kaaran halkaaso ay isaga soo horjeedaan ciidamada maxkmadaha ee taageersan dowlada Soomaliya iyo kooxaha mucaaradka ah ee is baheystay Al shabaab iyo Xisbul Islam.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsan sanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyadoona uu galay maalintii seddexaad waxaana uu ku soo beegmayaa xilli saaka dad aad u tiro badan ay ka barakacaeen deeganada Cabdi Casiis, shibis iyo Kaaraan.

Dagaaladan ayaa geysanaya qasaare lixaad leh iyadoo shalay kaliya ay galaafteen nolosha dad kor u dhaafaya 30 ruux waxaana dhaawaca la geeyay cusbitlada muqdisho lagu sheegay ilaa iyo in ka badan 70 ruux iyadoo kumanaan kalena ay isaga barakacayaan guryahaooda iayagoo aan garaneynin meel ay nafta ku bad baadiyaan.

Inkastoo qasaaraha dagaalka uu geysanayo uu lixaad leeyahay hadana ma jirto wax horumar dagaal ah oo ay sameynayaan labada dhinac ee iska soo horjeeda waa ciidamada dolwada iyo kooxaha mucaaradka ee isbiirsaday Al shabaab iyo Xisbul Islam waxaana dagaalka u muuq eg yahay mid is jiid jiid ah oo qoloba dib loo riixayo.

Ma jirto cid ka madaxbanaan labada dhinaca oo isku dayaysa inay xaalada qaboojiso iyadoo labada dhinaca uu mid ba ku midka kale ugu hanjabayo inay doonayaan inay ka tir tiraan dalka Soomaaliya taasoo rajo xumo sii gelisay shacabka Soomaliyeed